
What is Figma?
Figma waa software loogu talagalay in lagu design-kareeyo laguna tijaabiyo websites iyo mobile apps-ka waxaa lagu sameeyaa UI Design – User Interface Design oo ah in la nashqadeeyo inta qofka isticmaalaha ahi u muuqata, UX Design – User Experience Design oo sida qof walbaayi uu isticmaali lahaa websitekaas ama applicationkaas. Figma waa tool kooxaha u ogalaanaya inay si wadajir ahi ay mashaaracii kawada shaqeeyaan iyagoo isla markaasna sameyn kara sidoo kale ay tijaabin karana.
Figma waa browser based taas oo ka dhigan in qofka figma isticmaalaayee uu heli karo files-kiisa xilli walbaa oo uu ubaahdo. Mid kamid faa`iiidooyin Figma ayaa ah wadashaqeynta dhabta ahi (real-time collaboration), taas oo u oggalaanaysa in kooxi ay design isla markiiba ay wax ka bedelaan oo isbadalka lawada arki karo.
Waxyaala Muhiimka ah ee uu Figma Leeyahay
1. Wada-shaqeynta
Figma waa mid kamid softwares ugu fiican ee UI/UX designka, waxyaalaha uu softwares ka kale uu uga duwan yahay ayaa ah wada shaqeyn ah oo teams ay ka wadashaqeyn karaa hal projects isla xilligaas, taas ay si fudud u wada xiriir karaa. sidoo kale waxaa uu leeyahay qeyb faallo bixin ah oo aad project kasta aad faallo ka bixin kartid.
2. In lagu isticmaalo Vectors-ka
Figma waxa uu support kareeyaa vector files, taasoo ka dhigan in sawirada aad ku sameyso Figma ay noqonayaan kuwo si fudud loo badeli karo cabbiradooda iyada oo aan lumin tayadooda. Tani waa mid muhiim ah marka laga hadlayo sameynta designska, maadaama ay fudutahay in la sameeyo nashqad qaadan karta cabir walba.
3. Tijaabin iyo Naqshadeyn Isdhexgal
Figma wuxuu sidoo kale leeyahay ee uu ugu duwan softwares-ka kale waxa uu leeyahy wax loo yaqaan Prototyping oo ah in la tijaabiyo sidii u ushaqeyn lahaa website-ka ama application-ka la design kareynaya si loo arko siduu noqon lahaa kadib marka ay kooxda developers-ka ahi ay sameeyaan iyo sidoo kale waxa uu leeyahay qeyb interactive-ka laga tijaabiyo oo iyadana ah mid aad u muhiim ah.
4. Nidaamyada Naqshadda
Figma qaabka uu ushaqeeyo aad bay uga duwan tahay softwares-ka kale figma marka aad wax ku sameyneysid waxa uu leeyahay qeyb aad sameysan kartid wax loo yaqaan re-useable components oo waxaad keydsan karta design aad sameysay oo dib usoo laaban kartaa designkii aad sameysay si aadan mar kale aadan usameynin taas oo waqti baddan kuu safekareyneysa oo aad dib usoo qaadan kartid designkii hore ee aad keydsatay. Figma waa mid aad ugu wanaagsnan wadashqeynta waxa uuna leeyahay nidaam aad u fududeeyey arintaas.
5. Xakameynta Noocyada (Version Control)
Version Control waa xakamaynta noocyada kale duwan ama heerarka kale duwan ee uu designkaaga soo maray laga soo bilaabo marka aad bilaabaysay ilaa aad projecti-kaas aad kasoo gabagabayso waxaadna dib u eegi kartaa wixii aad horey usameysay waa mid aad u muhiim ah marka laga hadlayo in la sameeyo projects aadka u waaweyn ay team kawada shaqeynayaa waana wax ay dad badani ku jecel yihiin software kaan.
6. Faallooyin iyo Jawaab celin
Figma wuxuu leeyahay qeyb sahlaysa in la sameeyo faallooyin(comments) toos ah oo ku saabsan naqshadda. Taasi ay ka bixin karaan dad designska uu quseeyo, developer iyo kooxda nashqadeeneysa projecti-kaas iyo qof walbaa oo lala wadaago file-kaas.
7. Mid laga heli karo qeyb walba
Figma waxaad ku isticmaali kartaa Operating System walba oo jira sida MacOS, Window iyo Linux. tani oo ah mid ka mid waxyaalaha aadka u muhiim ka ee ay softwares-ka isku dhaafeyn, taaso team member aan ku xadideyn inay yeeshaan operating gaar oo qof walbaaye uu heli karo software-ka figma si desk app ah ama isagoo isticmaalaya browser sida Chrome ama Safari.
8. Plugins and Assets
Figma waxa uu sidoo kale leeyahay yahay plugins aad si toos aad ugala soo degi karid oo leh qeybo kala duwan sida plugin loo isticmaalo sawirada mid loo isticmaalo icons iyo kuwa baddan oo lamid. Figma waxa uu leeyahay qeyb aad ka heli kartid assets aad u baddan sida designs diyaarsan oo templates ah oo aad wax ka beli karto, icons iyo waxyaalo kaloo aad u baddan.
Faa’iidooyinka Figma
1. Wada-shaqeynta Koox
Figma sida aan horey usoo xusnay waxaa lagu wadashaqeyn karaa si koox ah oo wax mid collaborative ah tani ayaa ah mid unlimited oo aan xadidnay sidoo kale ah mid aad wax baddan kusoo kordhisay qeybta designka.
2. Badalidda design
Waxaad design aad ku sameysay Figma aad u badali kartaa mid code ah adigoo isticmaalaya Dev Mode-ka ee uu leeyahay Figma.
3. Helitaanka iyo Isku-dhafnaanta Qalabka Kala Duwan
Figma wuxuu si fiican uga shaqeeyaa qalab kasta iyo nidaam kasta, taasoo ka dhigaysa inay si fudud ugu shaqeyn karaan kooxaha kala duwan ee isticmaalaya qalabyo kala duwan.
3- Qeybta Free ah
Marka aad isticmaalaysid figma waxa uu leeyahay qeyb lacag ah iyo qeyb free ah oo software ka oo dhan lacag mawada ahan. qeybta shaqsiga ah ee Figma waa mid %100 Free ah oo features aad u yar ayaa ah mid pro ah oo lacag ah.
Saameynta Figma ee Naqshadeynta UI/UX
Figma ayaa si weyn wax uga beddeshay sida designers u wada shaqeeyaan. Kahor Figma, softwares loo isticmaaali jiray sida Adobe Photoshop iyo Sketch ayaa ahayd shaqadooda mid aan daahfurneyn oo afgarad la`aani ay imaan jirtay. Figma ayaa beddeshay softwareskaas, iyadoo si weyn uga caawisay designers-ka inay wada shaqeeyaan, isla markaana tijaabin karaan wax ay nashaqadeeyeen si degdeg ah.
Figma ayaa sidoo kale sababtay sarre u kac ku yimaada suuqaa shaqo ee UI/UX designka oo dad baddan ayaa bartay xirfadaas waxaana wada shaqeeya designerka iyo developerska. Tani waxay keentay in design UI/UX ay noqoto mid aad u muhiim ah.
Halkaas waxaan ku xusnay Faahfaahin kusaabsan software-ka caanka ah ee Figma, Waxaad barankartaa wax yaale kale oo dheeraad ah oo aad run ahaantii list-ka aad ku darsan karto.
Waxaa rajaynaayaa inaad bloggaan aad wax baddan aad ka faa`iideen. marka wixii su`aal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.