• Follow Us On :

Hirkaab Academy waa xarun waxbarasho oo bixisa koorsooyin xirfadeed sida Graphic Design, Video Editing, Web Design, iyo Web Development (MERN Stack) si ay ardaydu u helaan xirfado suuqa shaqada looga baahan yahay.

Waxaad ku baranaysaa isticmaalka barnaamijyada muhiimka ah ee naqshadeynta sida Adobe Photoshop, Adobe Illustrator, iyo Adobe InDesign si aad u naqshadeyso logos, posters, social media designs, iyo print materials.

Waxaad ku baran doontaa Adobe Premiere Pro iyo Media Encoder si aad u taqaanid tafatirka muuqaallada, codka, color grading, iyo soo saaridda videos tayo leh.

Waxaad baran doontaa sida loo dhiso website-yo casri ah adigoo adeegsanaya WordPress, laguna darayo plugins, themes, iyo SEO basics si website-kaaga u noqdo mid shaqeynaya oo soo jiidasho leh.

Koorsooyinka Web Development-ka waxaad ku baran doontaa xirfado buuxa oo kaa dhigaya Full Stack Developer. Waxbarashadu waxay ku bilaabaneysaa aasaaska dhismaha website-yada oo ay ku jiraan: HTML & CSS – Barashada qaabka loo dhiso iyo loo qurxiyo bogagga webka. JavaScript (JS) – Fahamka luqadda muhiimka ah ee u oggolaanaysa isdhexgalka iyo dhaqdhaqaaqa bogagga. Git & GitHub – Barashada version control si aad u maamusho koodhkaaga iyo iskaashiga kooxda. Tailwind CSS – Ku baro sida loo isticmaalo CSS framework casri ah oo fududeynaya design-ka responsive. React.js – Baro sida loo dhiso interfaces casri ah oo degdeg ah. Node.js & Express.js – Baro sida loo dhiso server-side applications iyo APIs. MongoDB – Ku baro sida xogta loo kaydiyo loona maareeyo database NoSQL ah.

Muddada waxay ku xiran tahay koorsada — celcelis ahaan waxay u dhaxaysaa 1 ilaa 5 bilood, iyadoo jadwalka la waafajinayo ardayda.

Haa, arday kasta oo dhammaysta koorsada si guul leh wuxuu helayaa shahaado rasmi ah oo ka timid Hirkaab Academy.

Waxaan bixinaa labadaba — Online Classes, oo aad ka daawanaysid website-ka.

Haa, dhammaan koorsooyinka waxaa lagu daraa projects practical ah si ardaydu u tababaraan waxa ay bartaan, uguna diyaargaroobaan suuqa shaqada.

Waxaad iska diiwaangelin kartaa website-ka Hirkaab Academy ama waxaad tagtaa xarunta si toos ah. Lacagta waxaa lagu bixin karaa cash (Evc-Plus, eDahab, Zaad, ama Bank) si aad isku diiwaan gelisho nagala soo xariir Whatsapp-kaan +252 614459166