
Creating Logos For Client
Sameynta logo waa step ugu muhiimsan ee sameynta brand identity. logo waa waxa ugu horeeya ee dadka ka arkayaan ganacsikaaga. waxaan muhiim ah in la sameeyo logada la suusan karo oo ay tahay mid qurxan. Professional Designerska waxa isticmaal taagtikooyin baddan si ay u ay usameeyo logo ku haboon qofka ay usameynayaan.
Bloggaan waxaa ku xusidoonna 5 shey aad u baahan tahay inaad ka ogaadid sameynta logo wax ku ool ah.
1- Fahan Qofka Aad u Sameyneysid
Ka hor inta aadan designka logodda aadan bilaabin waxaa muhiim ah inaad inaad fahanto Compnay-ga aad logadaad aad u hagaajinaysid. Waxaa muhiim ah in logadda ay noqoto mid la jaan qaadi karta Brand mission, value iyo target audience.
Waxaad sidoo kale muhiim ah inaad baarto company-ga adeega uu qabto, cidda uu la tartamaayo suuqa iyo waxa ay kaga duwan tahay. waxaa macquul ah, haddii wada hadal la yeelato inta waxyaalahan oo dhan aad ogaaneysid.
Marka su`aalaha aad weydiineysid waxaa ka mid.
- Waa maxay hadafka iyo qiimaha aasaasiga ah ee shirkadda?
- Yaa ah dhagaystayaasha bartilmaameedka?
- Maxaa ka dhigaya summada mid gaar ah?
- Sidee bay dadka u doonayaan inay dareemaan marka ay arkaan logo-da?
Markaad si fiican u fahanto summada (brand), waxaad si wacanu naqshadeyn kartaa logo-ka ka tarjumaya waxa ay shirkaddu u taagan tahay.
2- Isticmaal Software-ka Kugu Jaboon
Marka aad ogaadid logo si aad usameyn lahay waxaa muhiim inaad sameyso sketch oo inaad fikrado baddan oo ah qaabka aad loogadda aad u hagaajin lahayd aad warqad ku qoroto, kadib step-kaas waxaa la gaaray xilligii aad soo furan lahayd software aad logo ugu hagaajin layd macaamiilkaaga.
Haddii aad raadineyso barnaamijyo kaa caawin kara sameynta logos, waxaa jira dhowr software oo awood leh oo loo isticmaali karo naqshadeynta logos, halkaan waxaa ku qoran qaar ka mid ah barnaamijyada ugu caansan ee loogu talagalay sameynta logos:
1. Adobe Illustrator
Adobe Illustrator waa midka ugu caansan ee loogu talagalay sameynta logooyinka. Waa Software vector-based ah (oo micnaheeda ay tahay mid quality-ka aan iska badalaynin), Marka laga hadlayo Adobe Illustrator waa mid Professional oona loogu tala galay Sameynta logooyinka iyo illustrations.
2. CorelDRAW
CoreIDraw waa software sidoo kale loogu talagalay sameynta logooyinka. Waa Software vector-based ah, Marka laga hadlayo CoreIDraw waxa uu leeyahay Interface User-friendly ah, Taasoo ka dhigaysa inuu ku habboon yahay begginers-ka iyo Professional Graphic Designers-ka.
2. Canva
Canva waa software online oo si fududu loogu sameynkaro logooyin looguna talagalay dadka aan designka aqoon. Canva waxa uu ku siinayaa Templates oo loola loogoyin diyaarsan oo aad markaas wax ka bedeli kartid aad ka dhigi kartid loogada aad u baahantahay, Marka laga hadlayo Canva waxa uu leeyahay Interface User-friendly ah, Taasoo ka dhigaysa inuu ku habboon yahay dadka begginers-ka.
3. Inkscape
Inkscape waa software bilaash ah vector-based ah, taas oo ka dhigaysa mid ugu haboon sameynta logooyinka. Waxa uu sidoo kale software-kaan uu leeyahay qeybta taageeraysa SVG (Scalable Vector Graphics).
4. Affinity Designer
Affinity Designer waa software oo vector-based ah oo loogu talagalay designer-ka iyo dadka wax cusub baranaya. Waa software awood leh oo ka mid ah barnaamijyada ugu wanaagsan ee lagu naqshadeeyo logos, iyadoo bixiya muuqaal casri ah iyo qalabyo badan oo naqshadeyn.
Doorashada software-ka ugu fiican ee loogu talagalay sameynta logo waxay ku xirnaan doontaa heerkaaga xirfadeed iyo baahiyahaaga. Haddii aad tahay bilow, barnaamijyada sida Canva ayaa kugu habboon, halka kuwa Professional-ka ahi ay isticmaalayaan sida Adobe Illustrator ama CorelDRAW. Inkscape iyo Affinity Designer waa xulashooyin wanaagsan oo bilaash ah ama qiimo jaban leh kuwa doonaya software awood leh.
3- ka Dhig Mid Fudud
Mid ka mid waxyaala ugu muhiimsan ayaa ah in logadaada ay noqoto mid fudud oo la xifdin karo. waxa loo yaqaan Simplicity- Fududeynta ayaa ah mid ka dhigi karta looga mid aad u wanagsan. Haddii aad eegto loogooyinka ugu caansan waa kuwa simple ah sida Apple iyo Nike.
Waxaad iska ilaalisaa inaad sameyso logo adag oo aan la fahmin karin taas oo ka kooban waxyaalo baddan. loogada ka dhig mid fudud oo si toos ah loo fahmi karo.
4- Ka Dhig Mid la Isticmaali Karo
Marka loogada aad sameysid waxaa muhiim ah in loogadaas loo isticmaali karo meelwalba, Marka waxaa muhiim ah inaad ku xisaabsanto in loogada loo isticmaalayo business cards oo aad u yaryar, billboard oo aad u waaweyn, video oo iyana muhiin, social media icon ahaa iyo sidoo kale websites.
Marka waxaa muhiim ah inaad loogada ka dhig mid meel walba qaadan karto oo yeelan karto dhamaan cabir walba oo loo baahankaro adigoo macaamiilkaaga si wacan u waydiinaya meelaha u isticmaalayaan logoda.
Marka sidoo kale hubi sida ay loogada ay u muuqan lahayd madow iyo caddaan iyo colors-ka kale sidii uu ugu muuqan lahayd, maadaama laga yaabo in loo daabaco siyaabo kala duwan.
5- Xulashada Midabka iyo Farta
Marka laga hadlayo midabadka ayaa door muhiim ah ka ciyaara abuurista xiriirro shucuur leh oo lala yeesho dhagaystayaasha. Midab kasta wuxuu wataa dareemo kala duwan, markaa fahamka nafsadda midabada ayaa muhiim u ah naqshadeynta logo-ka si uu u gudbiyo fariinta saxda ah.
Qaarka mid ah midabada iyo waxa ay muujinaayaan
- Casaan wuxuu muujinayaa tamar(enerygy), jacayl, xiiso.
- Buluug wuxuu soo bandhigaa kalsooni, xirfad, isku halayn.
- Cagaar waxaa ay muujinaysaa caafimaad, dabeecad, iyo joogtaynta.
- Madow wuxuu uu muujinaayaa hufnaan, sharaf, awood.
Farta (typography) waa waa mid waxyaalaha ugu muhiinsan ee aad sameyneysid ina aad ku jirto processka designka loogada oo 60% in ka baddan ay qaadan karto doorashada farta ugu haboon
Markaad aad dooranaysid Farta ku dooro 2 shardi:
- Aqriska: Waxaa muhiim farta aad isticmaalaysid inay noqo mid la aqrinkaro oona yeelan karta cabiro kala duwan oo ka fogow farta aan ku habooneyn logo sameynta.
- Gaar ahaan shiyaha: Hubi in font-ku uu ku habboon yahay Shaqsiga ad usameyneysid, oo uu ka duwan kuwa kale. Ka fogow isticmaalka font-yadda aad loo isticmaalo.
Waxaa halkaas kusoo gunaanadeenna xogteenii kusaabsaney sidee ayaa logo usameynkaraa. waxaa rajaynayaa inaad wax baddan aad ka faa`iiday. wixii su`aal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.