How to Become a Freelancer

Inaad noqoto Freelancer waa mid kamid ah shaqooyinka ugu fiican ee aad samaynsankarto Shaqsiyan, waa careerka ugu shidan iyadoo loo eegayo xuriyada, go`aamanka oo gacmahaaga ku jira iyo fursadaha aad ka u baddan ee aad heli kartid. Haddii aad raadinaysid qaabkii aad ugu bixi lahayd shaqadaada Fulltime-ka ah oo aad dooneysid inaad riyadaada ka xaqiijiso Freelancing waa wadadii aad u mari lahayd. Marka Blogging-kaan waxaa kaga hadli doonnaa Sidii aad ku noqon kartid Freelancer.


1. Fahan Waxa Ay Tahay Freelancing

Freelancing waa shaqoyin aad si xor ah aad u qabanaysid oo la xariir projects. Si fudud adigoo macaamiilka shaqo u qabanaayo adigoo ku xerneyn inaad shaqada aad fulltime aad u joogto. Freelancer ahaan waxaad leedahay awooda ah inaad go`aansan kartid cida aadla shaqaynaysid iyo cidii kale. adigoo markaasi marwalba dooranaayo projects kugu haboon.

Qeybaha ugu baddan ee aad Freelancing ahaan aad u qaban karto waxaad kamid ah writing, graphic design, web development, programming, marketing, social media management iyo consulting. Marka waxaa Muhiim ah inaad fahansan tahay Frelancing inaad Adiga tahay Boss-ka shaqadaada oo aadna masuul ka tahay wax walba oo dhaca.


2. Qiimay Xirfadahaaga oo Dooro Niche-kaaga

Ka hor inta aadan kudaha u gelin Freelancing, waxaa muhiim ah inaad qiimayso xirfadahaaga kala duwan oo aad xulato qeybta sida gaar-ka aad ugu shaqaynaysid(Niche-kaaga), Tusaale haddii aad leedahay xirfada graphic design-ka waxaad sameyn kartaa design oo idil, Balse waxaad si aad ah u barankartaa Samaynta Logooyinka oo aad markaasi Noqonkartaa Logo Design. Dadka Freelancer ee guuleysta waxa ay qiimeeyeen xirfadahooda waxa ayna doorteed Niche u gaar ah oo ay ka shaqeynayaan.

Si aad waqti u geliso sidee aad u ogaan lahayd meesha aad u qaban karto. Sidoo kale waxaa fikrad fiican ah inaad inaad raadiso Niche-ka marka suuqa loogu baahi baddan.


3. Samayso Portfolio

Portifolio waa shaqooyin muujinaayo inaad xirfadaani aad taqaano oo aad qabiir ku tahay, Portifolio Maanta la joogo inaad sameysato waa mid muhiim ah oo aadna u fudud waxaad isticmaal Social Media-haaga ayaad kusoo Post kareyneysaa wixii design aad Sameynaa.

Portifolio xoogan oo qofka Macaamiilka soo jeedin karo ayaa marwalba muhiim ah, Portifolio-haaga waxaad soo gelinaysaa shaqooyinkii ugu fiicnaa ee aad qabatay. Hadii aad wax qibrad aad horey u lahayn waxaad Portifolio u sameysan kartaa sidaan fudu.

  • Inaad Qabato adeegyo Free ah ama kuwo discount fiican aad u sameysay waxaadna u qabanaysaa Asxaabtaada, Qoyskaagariends, family, or small businesses.
  • Inaad Sameyso Shaqooyin Shaqsi oo aad adiga isu tagashay.
  • Ka Qayb qaado challenges-ka iyo ama Blogg ka qor xirfadii Markaas baranay

Si aad Portifolio-yahaaga aad usoo bandhigto waxaa isticmaali karta Afartaan Qaab.

  • Inaad Samaysato Website aad leedhahay oo kusoo bandhigto shaqooyinkii aad qabatay.
  • Inaad Profile aad ka samaysato behance https://www.behance.net/ oo platform ugu caan ee Portifolio lasoo jishto. Waa hadii aad tahay Graphic Designer, haddii aad tahay Developer waxaad isticmaalaysaa Github https://github.com/.
  • Isticmaal Platforms kala duwan ee Social Media sida Tiktok, instagram iyo Facebook.

4. Ku Biir Freelancing Platforms-ka Jira

Waxaad ku biirtaa Platforms-ka Meelaha ay Freelancers-ka ay ka shaqeystan oo Internationals-ka tani ma ahan mid inta baddan fudud taas oo ay u sababtahay dadka oo ku baddan platforms-ka International-ka ee aad heli Karto waxaa Kamid ah.

  • Upwork: Waa mid aad loo isticmaalo oo shaqooyinka Freelancing lagu qabto sida writing, programming, design iyo marketing.

Website-ka: https://www.upwork.com/

  • Fiverr: Waa mid aad u caan ah oo lagu bilaabi karo.

Website-ka:- https://www.fiverr.com/

  • Freelancer.com: Waa platfom-kale oo asiga ah mid wayn.

Website-ka:- https://www.freelancer.com/

Marka laga soo tago Websites-kaas oo ah kuwo caalami ah waxaa jira mid ay leeyihiin Team Soo Maali ah oo isaga aad si Free ah aad u sameysan kartid. waana Xuluul.

Website-ka:- https://www.xuluul.com/


5. Yeelo Network-Xiriiro oo Xayaysii Naftaada

Inaad is Xayaysiisid waa mid muhiim ah waxaad Markaasi u maraysaa Xiiriada aad dadka la leedahay Xiiradaas waxa ay noqon karaa mid shaqp, asxaa iyo qaraabo intaba Sidoo kale marwalba isku day inaad isku xerto dadka kaaga horeeyey Qeybta aad ka shaqeyneysid. Tusaale haddii aad tahay Graphic designer isku day inaad designs aad u sameysid asxaabtaad iyo dadka kugu hareereysan ee aad garanaysid dadkaas ayaa wax ay kugu soo xeri doonnaan dad kale oo aad shaqooyin baddan u qaban doontaa.

Mar walbo oo aad Macaamiil aad u shaqaynaysid isku day inaad si fiican aad ugu habo Shaqada Wanaagsan waxa ay qaadadaa Waqti oo isku day inaad Shaqo walba aad siiso waxtiga ay u qalanto ee gelin karto. Meelaha aad isku xayaysiinayso waxaa kamid ah.

  • Inaad Samyso Website Shaqsi ah: Website-ka waa mid online oo uu qof walba heli karro website-kaas geli masoo gelinaysid Portifolio-hooga balse waad isku xayaysiinaysaa, Sidoo kale waxaad website-ka soo gelinaysaa wixii ay Macaamiishaada kaa dhahayn.
  • Use LinkedIn: LinkedIn waa professional networking platform kaas oo kaa caawinaayo inaad la xariirto Clients oo xoogana saar inaad ku biirto Groups-kala xariiro waxa aad qabato.
  • Social media: Isticmaal platforms like Instagram, Twitter, Tiktok iyo Facebook Si aad isugu xayaysiiso oo aad markaas aqoontaada usoo muujiso si aad u hesho Macaamiil.

Sidoo kale, waxaad ka qayb kali kartaa webinars iyo shirarka quseeya shaqadaada Freelancing-ka ah si aad hesho Macaamiishaada Target ah.

Waxaa rajaynaayaa inaad bloggaan aad wax baddan aad ka faa`iideen. marka wixii suaal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.


I am Fullstack Developer and Professional Graphic Designer who is Passionate about Teaching Tech Specially Graphic Design, Video Editing, Web Design and Web Development and I am also the CEO and Founder of Hirkaab Academy.

Write a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Halkaan Nagala Soo Xariir
error: Content is protected !!