Elementor in WordPress

Waxaan horey usoo sharaxnay WordPress oo ah Content Management System oo aan horey usoo baranay sida aad website aad ugu sameyn kartid waxaa soo baranay waxaa uu yihiin Themes iyo Templates.

Marka la joogo sameynta Websites waxaan u baahan tahay inaan sameyno Pages kala duwan waxaana u baahanay wax naga saacida arintaa oo ka baddan kaliya isticmaalka Themes iyo Templates oo Template-ka wax kale ma ahan waa design diyaarsan aad uun ka bedelaysid marka haddii aad rabto inaad pages qaar ah aad adiga aad kasoo bilow bilow oo aad design kareysato waxaad u baahan tahay Page Builder.

Waa Maxay Elementor?

Elementor Waa mid kamid ah kuwa ugu caansan ugana fiican Page Builders-ka ee uu WordPress-ku leeyahay. waa drag-and-drop website builder oo micnaheedu tahay waxaa uu kuu ogalaanayaa inaad sameyso website aad u qurxoon oo responsive ah adigoo u baahnayn inaad wax code ah aad qorto. Elementor waxa uu wax baddan ka badalay qaabkii websites loo sameyn jiray asigoo ku siinaya waa yaalo beginner ah iyo kuwo advanced ah. taasoo ka dhigay mid ay isticmaali karaan dadka bilowga iyo dadka muddo kusoo dhex jiray WordPress.

Elementor adigoo isticmaalaya waxaad website soo gelin kartaa Qoraallo, Sawiro, Templates iyo Elements aad u baddan. sida Canva oo kale isbadal aad sameyso isla markii ayaad arki doontaa.

Elementor waxa uu leeyahay qeyb free version-ah oo leh features asaasi ah iyo sidoo kale waxa uu leeyahay premium ah oo loo yaqaan Elementor Pro.

Waxyaala uu leeyahay Elementor

1. Drag-and-Drop Editor

Mid kamid wax yaalaha ugu baddan ee lagu yaqaan ayaa ah inuu leeyahay drag-and-drop editor oo ah inaad page-kaaga aad kusameyn kartid adigoo soo qaadanaya waxyaalo diyaarsan oo loo yaqaan widgets oo aad page kaaga aad soo gelinaysid

2. Pre-designed Templates

Elementor ma ahan kaliya inaad design-ka aad adigo sameyneysid adigoo isticmaalaayo drag-and-drop feature-ka balse sidoo kale waxa uu leeyahay Templates oo u diyaarsan in la isticmaalo oo leh qeybaha kala duwan sida blogs, E-commerce iyo business websites templates-ka. Waxaana intooda baddan ay yihiin kuwo lacag ah.

3. Advanced Styling Options

Elementor waxaa uu leeyahay qeyb aad designka aad ka hagaajinaysid oo waxaad designkaaga ka dhigaysaa mid si wanaagsan uga soo muuqada shaashadaha kala duwan sida laptop-ka, tablet-ka iyo mobiles-ka. waxaa markaasi aad isticmaali kartaa css si aad website-kaaga aad uga dhigto mid responsive ah.

4. Widgets and Elements

Elementor waxa uu leeyahay waxa loo yaqaano Widgets waxaa kamid sida Heading Widget, Image Widget, Button Widget, iyo Text Editor Widget sidoo kale waxaa jiro Widgets kale sida Slider Widget, WooCommerce Widgets. Element-kana waxaa kamid ah Section, Inner Section, Spacer iyo Divider.

6. Theme Builder

Mid kamid ah features-ka aad u furan kartid Elementor Pro waa in uu leeyahay Theme Builder. Theme Builder-ka waxa uu kuu ogalaanaayaa inaad design kareyso global elements sida headers, footers, and single post layouts. adigoo isticmaalaya Theme Builder-ka waxaad wax ka badeli kartaa styles default-ka ah oo ka dhigi kartaa websitekaaga sida aad rabto inuu u egaado.

7. Popup Builder

Elementor sidoo kale waxa uu leeyaahy a Popup Builder Qeybta Pro version-ka ah. Waxa uu kuu ogalaanaya inaad sameysid Popups oo ah in page ay wax kasoo baxaa oo aad ku xeri kartid page load, button click ama inta uu qofka websitekaaga ku dhex jiray. taas oo aad u isticmaali kartid xayaysiinta iyo ogaysiis-ka.

8. Global Widgets

Global widgets waa elements aad halmar design kareyneysid oo pages kala aad u isticmaali kartid ee website-kaaga. Haddii aad mid wax ka badashid dhamaan Global Widgets-ka kalena waxbaa iska badalaya.

9. WooCommerce Builder

Marka laga hadlaya Websites-ka e-commerce-ka, Elementor Waxaa uu la shaqeynayaaa WooCommerce. waxaa jiraa WooCommerce Builder kaas oo kuu ogalaanaya inaad style kareyso pages products, layout iyo inaad sameysato design E-commerce Shop oo adiga kuu gaar ah.

Farqiga u dhaxeeya Elementor Free iyo Elementor Pro

Halka midka free-ka ahi uu leeyahay features aad u baddan hase ahaatee Elementor Pro waxa uu ka dhigayaa mid aad advanced u ah.

  • Elementor Free waxaad heleysaa basic widgets sida text editor, image, button, divider iyo waxyaalo kale. waxaad samey kartaa Layout design adigoo isticmaalaya widgets, laakiin ma heleysid advanced features.
  • Elementor Pro waxaad heleysaa advanced widgets sida posts, portfolio, price table, forms, sliders, iyo waxyaalo aad u baddan. waxaad sidoo kale isticmaali kartaa Theme Builder, Popup Builder, WooCommerce Builder, iyo additional styling options.

Sidee Loo isticmaalaa Elementor si aad Website ugu sameyso

  1. Install and Activate Elementor Si aad u isticmaasho Elementor waxaad u baahan tahay inaad soo install kareysato plugin kaas. Si fudud waxaad aadan WordPress dashboard, navigate to Plugins > Add New, kadib raadi “Elementor.” kadib marka aad hesho, ku dhufo Install kadibna Activate.
  2. Create a New Page Marka aad activate kareyso Elementor, Waxaad aadaa Pages section Ee WordPress dashboard-ka kadib click “Add New.” Page sameyso.
  3. Choose a Template or Start from Scratch Kadib marka aad page aad sameysato waxaad dooran kartaa Templates uu Elementor kusiinayo ama waxaad ka bilaabi kartaa bilow oo waxaad isticmaali kartaa Widgets.
  4. Drag and Drop Widgets Qeybta panel-ka ee Elementor ayaad ka heleysaa dhamaan Widgets. Soo Qaado widgets aad u baahantahay sida image, heading, button oo page-kaaga soo geli. Kadib marka aad soo geliso waxaad dooran kartaa widget-kaas waxaad nashqadiisa ka badali kartaa qeybta Panel ee Elementor.
  5. Preview and Publish Marka aad sameyso waxaad arki kartaa designkii aad sameysay waxaad isla markaas aad ku dhufan kartaa “Publish” button waxa uu page-kaas noqonaayaa mid live.

Sababaha aad u isticmaalaysid Elementor

  1. User-Friendly: Haddii aad tahay beginner ama qof kusoo dhexjiray web designka muddo, Waxaad si fudud u isticmaali kartaa Elementor’s drag-and-drop editor kaa oo kuu ogalaanaya inaad sameyso websites adigoo u baahanayn inaad taqaanid wax code ah.
  2. Flexible: Marka aad isticmaalaysid Elementor, Waxaad sameyn kartaa Website Nooc Walba.
  3. Time-Saving: Waqti baddan ayuu kuu save kareynayaa oo waxaad heleysaa Template hore loo sii habeeyey iyo elements aad dib u isticmaali kartaa markii aad halmar sameysid.

Marka aad Website aad dhisaysid waxaa muhiim ah inuu noqdo mid mobile responsive ah oo mobile ka sa fiican uga soo muuqan karo website-ka. Elementor waxa uu ku siinayaa inaad designka aad ka dhigi kartid mid responsive ah.

5-ta WordPress Page Builders ee ugu caansan.

  1. Elementor
  2. WPBakery Page Builder
  3. Beaver Builder
  4. Divi Builder
  5. SiteOrigin Page Builder

Waxaa rajaynaayaa inaad bloggaan aad wax baddan aad ka faa`iideen. marka wixii su`aal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.

I am Fullstack Developer and Professional Graphic Designer who is Passionate about Teaching Tech Specially Graphic Design, Video Editing, Web Design and Web Development and I am also the CEO and Founder of Hirkaab Academy.

Write a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Content is protected !!