How to Become Video Editor

Video editing-ka waa mid kamid ah xirfada ugu fiican ee aad maan barankarto. Xirfada waa laga maarmaan ah oo ay tahay inaad barato haddii aad ku dhex jirto dunida digital-ka ah. Maan caalamka oo dhan waxaa la sameeyaa content oo ay ugu baddan tahay video.

Halkii Daqiiqo in ka baddan 500 Saacadood video gaaraya waa la soo geliyaa bartaa Youtube-ka, dhamaan videos yadaas waxaa ka shaqeeya video editors oo soo tifaftira videos-yadaas. Marka haddii aad dooneysid inaad noqoto Youtuber ama aad u shaqeyso Companiyadda u baahan in loo sameeyo videos waxaa bloggaan kugu bari doonnaa waxyaalaha aad u baahantahay si aad u noqoto Professional Video Editor.

1- Fahan Waxa uu Yahay Video Editing.

Video editing Waa hanaanka lays kugu hagaajiyo video, codad iyo waxyaalo muuqaal ah si loo saameyo Video la daawan karo. sida wax laga reebo, laysku hagaajiyo, lagu daro Transitions, effects, musics ayaa waxaa loo yaqaanaa Video Editing.

Video Editing Waxaa Looga Baahan yahay meelo badan.

  • Films and TV shows: In La sameeeyo Aflaamta iyo Muuqaalada TVs-ka laga soo daayo.
  • YouTube and social media content: Videos la soo geliyo Youtube iyo kuwa kale.
  • Corporate videos: Videos Tababarada iyo Xayaysiinad.
  • Music videos: In La Sameeyo Muscs.

2: Baro Asaasiyaadka Video Editing-ka

Ka hor inta aadan baran Xirfadaha Advanced ah ee Editing-ka, waxaa muhiim ah inaad barato waxyaalaha Asaasiga ah ee Video Editing-ka. Inaad barato Asaasiyaadka waxa ay saameyn ku yeelanaysaa Mustaqbalka qaabka aad u sameyso Videos-ka. halkaan waxaa ku xuseysaan qaar kamid ah xirfaha Asaasiga ah ee ay tahay inaad barato.

  • Cuts: Waa in la jaraa video-ka waa midka ugu muhiimsan video editing waxa ayna quseysaa inaad kala jarto laba video oo kuwa kalena aad isku keynto videos kale.

  • Transitions: Transitions waa Effects loo isticmaalo in la dhexgeliyo labbo video dhexdooda.

  • Audio Syncing: Inaad hubiso in codkaaga uu la socdo video-ka si aad u sameyso video aad u qurxan, tani waxa ay muhiim tahay marka aad isticmaalaysid Sound Effects iyo Musics.

  • Color Correction and Grading: Inaad Saxdo Color-ka Videokaaga adigoo hagaajinaayo color balance, exposure iyo contrast.

Waxaan barankarta Basics adigoo Qaada Course Premiere Pro oo FREE ah.

Premiere Pro Basics:- https://hirkaab.com/courses/premiere-pro-course/

3- Isticmaal Qalabka Kugu Haboon

Si aad u noqo Video Editor, waxaad u baahan tahay inaad hesho qalabkii kugu haboonaa waxaa jira kuwoku haboon dadka beginners-ka iyo kuwo ku haboon dadka Professional Video Editors-ka ah.

Waxaa u kala saaraynaa Hardware oo qalabka caadiga ee aad isticmaalaysid sida Laptop iyo Software oo ah Software aad Editing aad u isticmaalaysid.

Hardware:

  • Computer: Mid kugu haboon marka editing ku jirto waxaa uu noqonayaan mid leh fast processor, ample RAM (at least 16GB) oo leh 500GB ugu yaraan.
  • External Hard Drive: Marka aad hesho Computer Powerfull ah waxaad u baahantahay Sidoo kale Hard Dirve aad ku keydsato waxyaalo qaar laakiin ah External.

Software:

Waxaa Jira Softwares aad u baddan oo ukala baxa kuwo ah beginner-friendly iyo professional-level. Halkaan waxaan ku xusi doonaa kuwa ugu caansan.

  • Beginner Level:
    • iMovie (Mac only): Waxaa keliya isticmaali kara dadka isticmaala Laptopska Apple isticmaala.
    • DaVinci Resolve: oo aad heli kartid version FREE ah oo advanced Featuresna leh sida color grading and audio editing.
    • Capcut: oo ah software beginner-friendly ah oo aad ku bilow karto barashada video editingka.

  • Intermediate/Professional Level:
    • Adobe Premiere Pro: Waa Softwareka ugu caansan ee loo isticmaal Videos Editing-ka.
    • Final Cut Pro (Mac only): Waaa professional video editing software oo keliya isticmaali karaan dadka isticmaala Laptopska Apple isticmaala.

4- Sameyso Portifolio

Mid kamid ah Tilaaboyinka ugu muhiimsan ee inaad noqoto Video Editor waa inaad samaysato Portifolio, waa shaqooyin muujinaayo inaad taqaano xirfadaan Editing. waa mid cadeen u ah inaad taqaan video editing-ka.

Waxaad Sameysan Kartaa Website aad soo gelin karto shaqoon aad qabatay ama waxaad soo gelin kartaa Youtube-ka halkaan ay macaamiil baddan iyo shaqaalaysiyaalba ay si fudud u arki karaan.

5- Hel Qibrad

Inaad Sameysato Portifolio sida ay muhiim u tahay, ayay iyana muhiim u tahay inaad sameyso Projects oo aad hesho qibrad kugu filan.

  1. Freelance: Vide Editors Baddan ayaa bilaaba freelancing, oo u qabta shaqooyin dadyowka ka soo dalbadda adiga waxaad sameysan kartaa platform aad kusoo gudbiso shaqooyinkaaga si aad u hesho dad baddan oo aad shaqooyin kale aad u qabato.

  1. Internships: Waxaad raadin kartaa internship oo ka heli karto companiyadda Aflaamta soo saara, Marting Agencies-ka iyo Media organizations. qaabkaan oo aad ku heli karto qibrad kugu filan.

Marka aad Editingka baranaysid ku dadaal inaad practice baddan aad sameyso oo aad aqoontaada kordhiso,Tani waa mid muhiim ah hana dhayalsanid inaad aqoontaada aad kordhiso marwaba.

Waxaa rajaynaayaa inaad bloggaan aad wax baddan aad ka faa`iideen. Marka wixii su`aal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.

I am Fullstack Developer and Professional Graphic Designer who is Passionate about Teaching Tech Specially Graphic Design, Video Editing, Web Design and Web Development and I am also the CEO and Founder of Hirkaab Academy.

Write a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Content is protected !!