
The Importance of Responsive Web Design
Sameyta Websites waa mid ka mid ah xirfadaha aad ka u wanaagsan ee aad barankartid haddii aad tahay arday barta IT-ka, barashada sameynta websites waa mid aad u muhiim ah waxaad noqon kartaa qof sameeya websites adigoo baranaayo web development oo isticmaalayo coding ama haddii aad islay dahay coding waqti baddan ayuu iiga baahan yahay waxaad baran kartaa mid kamid ah CMS – Content Management Systems oo ugu caansan yahay WordPress.
WordPress waxaad ku sameyn kartaa website dhamaystiran adigoo wax aqoon ah u lahayn coding.
Maanta Marka waxaad ka hadlaynaa waxa loo yaqaano Responsive Web Design (RWD) oo ah waxyaalaha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad safiican u barato marka aad baranaysid sameynta Websites.
Responsive Web Design
Responsive Web Design waa lool jeeda in designka website-kii aad sameysay uu noqdo mid shaashad walba oo laga furo website-kaaga uu uga soo muuqdo qaabka ugu haboon marka la fiiriyo shaashadaas.
Waa Maxay Muhiimada Responsive Web Design.
1- Isticmaalka Mobile-ka oo badan
- kor u kaca isticmaalka websites oo ay dabku isticmaalayaan mobile-ka, tablet ayaa waxa ay ka dhigaysaa in aad website-kaaga aad ka dhigto mid responsive ah oo mobile-Friendly, in ka baddan 50% booqashooyinka websites-ka waxa ay ka imaadaan mobile. haddii marka website-kaagu uusan la lahayn responsiveness waxaad weyneysay inka baddan 50% oo soo booqan lahaa oo isticmaali lahaa website-kaaga.
2- Khibradda Isticmaalaha oo Sare u kacda
- Marka aad website-kaaga aad usameyneysid responsive design waxaad haqiijisaa in qof walbaa uu isticmaali karo website-kaaga. Haddii ay helikaan desktop, tablet, iyo phone, haddii uu website-kaaga uusan ku fiicnayn mobile-ka ama devices-ka kale ba, isticmaalayaashaada waxa ay u badan tahay inay website-kaaga iskaga baxaayaan oo ay booqanayaa websites-ka dadka aad suuqa kula tartanmaysid.
3- Waxaa Wanaagsanaanaayo SEO-ka Website-ka
- google-ka waxa uu aad usoo saaraa websites-ka mobile-friendly-ka ah. responsive web design ayaa kaa saacidaysa inuu SEO-kaaga uu wanaagsanaado waxaana marka kaa oo kuu suuragelaayo inaad gaarto dad baddan.
4- Kharashka oo iska yar
- Inta aadan sameyn website u gaar ah dadka isticmaala laptop iyo dadka isticmaala mobile-ka iyo tablet-ka. balse waxaad wax ka badalaysaa code-ka aad qoraysto si uu u noqdo mid shaashad walba ku haboon.
Sidee loo sameeyaa Mobile-Friendly Websites
- Isticmaal Fluid Layouts
- A fluid layout waa qaab loo sameeyo websites-ka oo ka dhigan in qeybaha website-ka ay si joogto ah isku bedelayaan cabirkooda iyadoo la eegayo cabirka shaashada markaas la isticmaalayo inta xogta website-ka waxa ay shaashada ka qaadanayaan 80%. kolki hore waxaa la isticmaali jiray Pixel(px) balse waxaad istcmaali doontaa % si uu markaasi si automatic ah uu responsive uu u noqdo.
- Samey Coding Marka Media Queries
- Media queries are waa technique ugu fiican oo kuu ogaalanaayo inaad website-kaaga aad siiso cabir kala duwan marka loo eego shahaashadaha kale oo mid walbaa aad qeexeysid. Tusaale ahaa waxaad samey kartaa Design u gaar ah marka ay shaashada ay ka yar tahay 768px oo ah sida cabrada tablets-ka iyo wixii la mid ah. Tusaale:-
/* Default styling for large screens */ body { font-size: 16px; padding: 20px; } /* For screens smaller than 1024px (tablets and below) */ @media screen and (max-width: 1024px) { body { font-size: 14px; padding: 15px; } } /* For screens smaller than 768px (mobile devices) */ @media screen and (max-width: 768px) { body { font-size: 12px; padding: 10px; } } /* For screens smaller than 480px (very small mobile screens) */ @media screen and (max-width: 480px) { body { font-size: 10px; padding: 5px; } }
- Diirada Saar Mobile Navigation
- Mobiles-ka waxa ay leeyihiin shaashado aad u yar marka si uu qofka website-kaaga uu qeyb walba uu ka booqdo waxaa muhiim inaad sameyso navigation aad loo habeeyey. Isticmaal hamburger menu (three horizontal lines) si websitekaaga meelaha ugu muhiimsan loo booqdo. sidoo kale waxaad sameyn kartaa sticky navigation bars taas oo ah in navigation uu kor saarnaado xitaa hadduu qofka uu website-ka qeybta hoos uu aado.
Gabagabo
Inaad Website-kaaga aad ka dhigto Responsive website ma ahan mid doorasha ah ee mid muhiim ah. Isticmaalka mobile-ka oo kordhaya, websites-ka waan si dhib la`aan ah loogu isticmaali karo mobile-ka
Waxaa rajaynaayaa inaad bloggaan aad wax baddan aad ka faa`iideen. marka wixii su
aal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.