WordPress

WordPress waa mid kamid tools-ka ugu caansan ee loo isticmaalo in lagu sameeyo websites-ka in ka baddan 50% websites ka jira waxaa lagu sameeyey WordPress oo ah Content Management System oo loogu talagalay in lagu sameeyo, laguna maalmulo websites-ka. WordPress waxa uu ugolaanayaa dadka aan baran Codingka inay si fudud u sameeyaan websites iyagoo aan u baahnay inay barta coding.

Websites aad ku sameyn karto wordpress waa ay baddan yihiin waxaana kamid ah:

  • Business websites.
  • Personal blogs.
  • Educational websites. oo ah LMS – Learning Management System.
  • E-commerce Websites.

Faa’iidooyinka uu leeyahay inaad websiekaaga aad ku sameysato WordPress:

  1. Isticmaalkiisa oo Fudud: WordPress waxaa loogu tala galay dadka aan codingka aan aqoon oo ubahahan inay sameeyaan website sidaa awgeeda isticmaalkiisa waxaa laga dhiga mid aad u fufud.
  2. Helita Nashqado: WordPress wuxuu leeyahay kumanaan nashqadood oo aad u xulan karto inaad website-kaaga aad ka dhigto oo markaasi noqdo mid u muuqda sidaas oo kale. Nashqadahaas inta baddan waa kuwo FREE ah halka kuwa kale ay yihiin kuwa aad hal mar iibsanaysid.
  3. Editor-ka WordPress: waxaa uu WordPress leeyahay Editor aad ku edit kareysan kartid websitekaaga pages-kiisa kala waxaad ku soo darsan kartaa sawiro, muuqaallo, qoraal iyo waxyaallo kale oo dheeraad ah.
  4. Plugins: waxa uu WordPress-ka leeyahay kumanaan plugins ah oo aad ku darsan karto webite-kaaga si uu u yeesho functionalities kala duduwan.
  5. Best SEO: Websites aad WordPress kusameyso waxaad si fudud ugu hagaajin kartaa SEO (Search Engine Optimization), oo ah mid kaa caawinaayo in website-kaaga uu kasoo muuqdo google-ka meesha ugu sareysa.

Sidee loo Isticmaalo WordPress.

  1. Installing WordPress: Si aad u sameyso Website WordPress waxaad u baahan tahay inaad soo degsato WordPress oo aad isticmaasho mid kamid ah WordPress Hosting Serves-ka jira. Sidoo kale Waxaad Website-kaaga u iibinaysaa Domain oo ah Magaca Website-kaaga.
  2. Creating Your Website: Kadib marka aad hesho WordPress Hosting, oo aad lasoo degto WordPress waxaad bilaabaysaa inaad sameysid websitekaaga marka ugu horeysa waxaad dooranaysaa Template ama Theme-ka aad rabto inaad u isticmaasho website-kaaga oo ah midka kugu habboon.
  3. Plugins iyo Widgets: Haddi aad u baahan shaqooyin gaar ah waxaad u bahaan tahay plugins. Template iyo themes waxa ay u quseeyaan muuqaalka website halka plugin uu qabanayo functionality-ka website-ka sida haddii uu website kaaga uu yahay E-commerce waxaad u baahan tahay Plugins-kaan.
  • WooCommerce
  • PayPal for WooCommerce
  • Stripe for WooCommerce
  • Yoast SEO
  • Wordfence Security
  • iThemes Security
  • WooCommerce Shipping
  • Table Rate Shipping for WooCommerce
  • WooCommerce Stock Manager
  • TradeGecko (QuickBooks Commerce)
  • Mailchimp for WooCommerce
  • WooCommerce Smart Coupons
  • WooCommerce Product Reviews Pro
  • Yotpo
  • WooCommerce Google Analytics Integration
  • Metorik
  • LiveChat
  • WooCommerce Help Desk

Inta Plugins ee aad u baahan tahay waxa ay ku xeran tahay websiteka markaas aad sameyneysid hadii aad 2 plugin kamid ah aan sharaxno si aad u fahanto plugins waxa ay u taagan yihiin.

  1. WooCommerce: Waa pluginka ugu caansan marka laga hadlayo E-commerce waxaa loogu talagalay si uu websitekaaga u noqdo dukaan online ah oo sameyn karto qiimaha products, iinaad ku iibiniso products-kaada, inaad maareyso dalabyada macaamiishaada iyo wixii lamid ah.
  2. PayPal for WooCommerce: Waa plugin loogu talagalay qeybta lacagaha ee WordPress waxaad u isticmaali kartaa inaad Website kaaga aad ku dardo Paypal si ay macaamiishaada wax kaag iibsadaan iyagoo isticmaalaya Paypal kooda ama credit-card kooda oo inta baddan dadka qurbaha jooga ay aad u isticmaalaan.

Waa Maxay Farqiga u dhaxeeya Theme iyo Template?

WordPress ka waxa lagu sameeya websites aad ubadan waxaa WordPress inuu yahay mid aad u fudud waxaa usii dheer inuu leeyahay Themes iyo Templates oo intooda baddan free ah.

Themes iyo Template waa u dhaxeeya Farqi aad u yar waxaa si kooban ugu xusi doonna halkaan.

Theme:

  • Theme waa design dhamaystiran oo ah sida guud ee websitekaaga u muuqan lahaa qeyb walba oo theme ka waa meelaha ay websites ay ku kala duwan yihiin theme waxa kuu xakameynayaa colors-ka aad u isticmaalaysid websitekaada, fonts-ka, header-ka, footer-ka iyo waxyaalo kale.
  • Theme wuxuu saameeyaa website-ka oo dhan, wuxuuna beddelaa muuqaalka dhammaan website-ka.

Template:

  • Template waa design gaar ah oo loo isticmaalo website ama qayb ka mid ah website-ka aad markaasi aad sameynaysid. Templates waxay ka tirsan yihiin theme-ka sida pages-ka ay ku kala duwanaanayaan sida homepage, blog page iyo pages-ka kale.
  • Tusaale ahaan, theme-kaaga wuxuu yeelan karaa templates kala duwan oo loo isticmaalay homepage-ka, blog page-ka, ama qeybo kale.

Farqiga Ugu Dhaxeeya:

  • Theme wuxuu bixiya design guud iyo qaabka website-ka oo dhan.
  • Template waa design gaar ah ee loogu isticmaalo website ama qaybaha gaarka ah ee ku jira theme-ka.

Waxaan blog-kaan kaga hadal WordPress waxaan rajaynaayaa inaad bloggaan aad wax baddan aad ka faa`iideen. marka wixii su`aal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.

I am Fullstack Developer and Professional Graphic Designer who is Passionate about Teaching Tech Specially Graphic Design, Video Editing, Web Design and Web Development and I am also the CEO and Founder of Hirkaab Academy.

Write a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Content is protected !!