How to Code Faster

Marka aad noqoto web developer sameynta websites iyo applications ayaa ah kuwa qaata waqti aad u baddan waxaana muhiim ah inaad code aad u bahaan tahay si aad usoo saarto aad waqti kooban aad ku qori karto.

Waxaan bloggaan kula wadaagi doonnaa dhowr shey aad u baahantahay inaad sameysid si aad ugu guuleysato inaad project walbaa aad si dhaqsi aad u dhameyso.

1- Baro Hab Qoraalka

Inaad si wanaagsan aad u barato hab qoraalka (syntax) luuqada aad isticmaalaysid waxa ay saameyn weyn ku yeelanaysaa waqti ay kugu qaadan karto inaad qorto qeyb kamid ah code aad u baahantahay si aad usoo saarto website kaaga ama applications.

Marka laga hadlayo programming, luuqada oo dhaman mowduucyada way iska leeyihiin ee waxa ay ku kala duwan yihiin ayaa ah qaab luuqadaas loo qoraayo taas oo ah inaad marwalbo aad sa fiican u fahanto qaab luuqadaas loo qoro.

2- Baro Typing

Marka ardayda la baraayo Basics of Computer waxaa muhiim ah in sidoo kale loo dhigo qaabkii wax si dhaqsi leh ugu qori lahaayeen oo ah mid aad u muhiim ah balse dad badani ay iska indha tiraan.

Marka haddii aad tahay web developer oo aadan Typing aqoon oo loola jeedo inaad si dhaqsi aad wax u qori karto aadan soo baran waxaan kuula talinaayaa inaad maalintii ugu yaraan aad 5 daqiiqo ku bixiso barashada Typing si aad u noqoto mid ku wanaagsan Typing oo haddii aad barato Syntax-ka luuqada aad qoraysid balse aadan aqoon sidee aad qoraalka aad ugu dhaqsan lahayd aqoontaasi waxbaa ka dhiman.

Marka si aad Typing aad u barato waxaa jira Website aan aniga aan ka bartay oo FREE ah oo inta baddan laga barto oo muddo hal bil aad meel iska soo saari kartid website-kaas waxaa loo yaqaanaa https://typing.com/ link ku dhufo waad heleysaa.

3- Isticmaal Code Editor Aad u Wanaagsan

Haddii baratay programming aqoonta aad u baahantahay sidoo kale aad baratay sidii aad si dhaqsi leh aad wax u qori, waxaa sidoo kale speedkaaga kor usii kordhin kara xulashada Code Editor leh Features aad u wanaagsan. Code Editor waa software aad ku qori lahayd code waxaa uu ka ciyaari doonnaa door muhiim ah inaad si dhaqsi leh aad code u qorto.

Afarta Code Editor ee ugu fiican iyo Features ay leeyihiin.

1. Visual Studio Code (VS Code)

Visual Studio Code: waa mid ka mid ah Code Editors-ka ugu caansan waxaana loo isticmaalaa codingka si guud, web development iyo sidoo kale machine learning.

Si uu dhaqsi ugu qoro code-ka waxaa uu leeyahay:

  • IntelliSense: waa mid kuu dhamaystiraya code-ka aad qorto(Autocompletion), ku siinaya tusaalooyin wixii aad qori lahayd(code suggestions) iyo wax yaalo kale oo baddan.

  • Extensions: Waxa uu leeyaahy library oo extensions ah aad ku darsan kartid oo leh nooc walba iyo inaad la isticmaali kartid luuqad kasta.

  • Integrated Terminal: Waxa uu leeyahay Terminal oo adigoo ku dhex jira code editor ayaa Terminal soo furan kartaa taas oo mid aad u wanaagsan.

2. Sublime Text

Sublime Text: waa Code Editors-ka ugu caansan marka laga hadlayo fududaan shiyaha balse sidoo kale leh speed ahna mid responsible.

Si uu dhaqsi ugu qoro code-ka waxaa uu leeyahay:

  • Ultra-lightweight: waa mid aad u dhaqsi baddan oo aad u fudud, oo aad xitaa aad ku furan karto files ama projects waa weyn.

  • Goto Anything: Waxa uu leeyaahy Features oo inaad files kaaga aad ku heli muddo il biriqsiyo ah.

  • Highly Customizable: Waa mid qaab muuqaalkiisa wax baddan laga badali karo oo waxa uu leeyahay inaad isticmaali karto themes, packages iyo inaad sameysan kartid keyboard shortcuts si aad shaqadaada aad u fududeysato.

3. JetBrains IDEs (IntelliJ IDEA, PyCharm, WebStorm)

JetBrains IDEs: waa code editor loogu tala galay qeybo gaar ah sida Java, Python, or JavaScript

Si uu dhaqsi ugu qoro code-ka waxaa uu leeyahay:

  • Smart coding assistance: waa mid kuu dhamaystiraya code-ka aad qorto(Autocompletion), on-the-fly code analysis oo kuu save kareynaya waqti baddan kaas oo yareynaya qaladaadka code-ka.

  • Integrated tools: Waxa uu leeyaahy version control, debugger, database tools iyo test runners.

Seddexdaas code editors midkii aad ka xulataba waxaa uu noqon doonnaa option fiican.

4- Isticmaal Library-ska iyo Frameworks-ka

Marka coding aad baranaysid waxaa baranaysaa Libraries iyo Frameworks marka isku day inaad coding-kaaga aad in baddan aad u isticmaasho oo aadan ku egaanin basics-ka.

Markii aad design kareyneysid Webistes waxaad isticmaali kartaa Tailwind CSS Framework oo loogu tala galay in lagu design karey web applications-ka sidoo kale waxaa isticmaali kartaa Boostrap oo iyadana noqonaysa option aad u fiican.

Marka aad rabtid inaad sameysid Dynamic Web Application isticmaal React js oo ah Javascript library sidoo kale waxaa jiro dhowr shey packges aad ku dhex isticmaali kartid React Js, Tusaale haddii aad rabto inaad form xog kasoo qaato waxaad isticmaali kartaa React Forms, haddii aad rabto inaad Authentication aad isla markaana aad sameyso waxad isticmaali kartaa Firebase.

Marka marwalba waxaad isku daydaa inaad isticmaashin Frameworks iyo Libraries.

5- Iska Yarey Waxyaalaha Kaa Soo dhexgalaayo

Marka aad howl qabanaysid waxaa wanaagsan inaad howshaas aad diirada aad saarto sida marka aad arintaas aad usameyso waxaas isticmaali kartaa Technique ugu caansan ee Pomodoro Technque ama adiga sameyso daqiiqadaha aad focus ahaaneysid.

Waxaa rajaynaayaa inaad bloggaan aad wax baddan aad ka faa`iideen. marka wixii su`aal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.

I am Fullstack Developer and Professional Graphic Designer who is Passionate about Teaching Tech Specially Graphic Design, Video Editing, Web Design and Web Development and I am also the CEO and Founder of Hirkaab Academy.

Write a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Content is protected !!