
Advices to Learn Web Development
Bloggaan waa mid aad u muhiim waxaa rabaa inaan talo kusiiyo arday baranaysa web development oo kamid ah xirfada aan waqti kusoo jiray. Xirfadaan waa mid kamid ah xirfadaha ugu muhiimsan ay tahay inaad barato haddii aad tahay arday baranaya IT-ka gaar ahaan inaad barato fullstack web development.
Haddii aad u baahan sidii aad u baran lahayd web developement waxaa ka diyaariyay blog kale oo kan waa kaliya talooyin aan jeclaanlahaa in layla wadaago markii aan bilaabayay web development.
1- U Baro Asaasiyaadka Si Wanaagsan
Marka aad baranaysid xirfad haddii aad ku guuleysato talaabooyinka ugu horeeya waxa ay u baddan tahay inaad ku guuleysato inta harsan waxaa marka koowaad muhiim ah inaad barato basics oo aad noqoto mid aad u fahamsan basics oo ka bilow meesha saxda ah oo hakala hormarsiin waxyaalo aan loo baahneyn in lagala hormarsiiyo haddii ay dhacdana isku day inaad dib u eegis aad ku sameysid.
Halkaan waxaa laga yaabaa inay dad baddan ku ked soomaan oo ay muddo aad u dheer ay ku jiraan basics ay moodaan waxa looga baahan ay tahay inay bartaan inay tahay basics, Waxaad sameysaa basics baro balse ka baro inta aad horey uga sii socon kartid.
Basics Maxaan ka bartaa?
Marka laga hadlayo Web Development waxaad baranaysaa Technologies aad u baddan marka waxaad u baahan mid walbaaye basics-kiisa inaad sa fiican u fahanto taas oo kaa saacidi doonto inay kuu fududaato marka aad technologies baddan aad bilowdo inaad isla isticmaasho.
2- Raac Road Map
Inaad raacdo road map oo loola jeedo inaad raacdo dariiqii kugu hagi lahaa fulstack web development bilow ilaa dhamaad. qaabka isku xigaan qaabka ugu fiican inaad isugu xijiso oo aad raacdo tilaabooyinka lama huraan ah oo ah kuwo saxan. arday baddan ayaa bilaaba web development inta aan quusan ee aan ku guuleysan inay noqdaan fullstack web developers waxa inta baddan aysan raacin road map.
Oo Marwalba aadan raacin wado kugu hagaysa inaad ugu danbeyn aad noqoto fullstack web developer. oo marka waa inaad raacdaa mid kamid ah balse haddii aadan raacin wadadii kugu hagi lahayd dhamaadka waxaad ku jiraan web development muddo sanado adigoo wali noqonin web developer buuxa waana arin kugu sababi karta inaad ka niyad jabto barashada web development oo ahayd inaad noqoto fullstack developer.
Mark waxaan kugu talinayaa inaad aqriso bloggaan oo kugu hagaya halkii aad ka bilaabi lahayd barashada web development-ka si aad u noqoto fullstack web developer.
3- Hel Courseska kugu habboon
Marka laga hadlayo web development barashadiisa waxaa kuu wanaagsan inaad qaadato course tixana ah oo isla socda oo kugu haboon adiga ahaan. Courseskaas waxa ay noqon karaa kuwa online ah ama kuwo offline doorashada inaad online ku barato ama offline adigaa ayay kugu xiran tahay kolba waa midkaa kuu fudud ee aad sameyn kartid balse waxaad ogaadaa inaad online aad wax ku baran kartid waa lama huraa oo aad ugu yaraan haddii aad offline aad ku barato aad wixii dheeraad ah aad internetka aad ka raadi karto.
Marka laga hadlayo courses waxaa muhiim ah inaad qaadato courses ay la socdaan projects kuwaas oo aad ku dhex sameyneysid coursekaas inta uu socdo waxaana sidoo aad ogaadaa in marka aad dhamayso course walba aad project aad adiga sameysid oo aadan meel ka eegin, taas oo ku xajiinaysa inaad courses-kaas aad si wacan aad u qaadaday.
Marka aad baranaysid web development ku dhawaad waxaad baranaysaa 12 Technologies oo waxaa marka ogaadaa in marwalba aad mid barato midkii ka horeeyey si fiican ayaad u baranaysaa marka waxaa muhiim ah haddii ay dhacdo mid ka mid project hadduu kugu adkaado balse aadan waqti baddan heynin, waxaa kuu wanaagsan inaad qaadato course-ka xiga balse aad usoo laabato course-kaas ama projectikaas sida ugu dhaqsiyaha baddan waxaad u fahmi doonntaa si aad u wanaagsan.
Mida kale oo aad ka u muhiim ka ahi waa in aadan laba course aadan halmar qaadan. tani waxaa ka dhalan karaa inad ku jah wareerto oo aad labadoodaba aad fahmi wayso sidaa si kasoo horjeeda hal course qaado oo si fiican u baro kadib qaado course xiga waxaad si fiican u barandoontaa courses-kaas oo waad ku xogaanaan doontaa mid walba.
4- Samey Practice Joogto ah
Marka la baranayo codingka waa mid ka mid xirfadaha ugu adag oo dad baddan ay ka haraan marka haddii uu hadafkaaga yahay barashada xirfadaan, Waxaa muhiim inaad practice kareyso wixii aad baratay wiliba practice joogto ah oo aan lagala joojinayn.
Practice Makes Perfect ayay oraahdu ahayd haddii aad rabti inaad coding aad qatar ku noqoto practice kaaga ha baddo hana ka baddo in projects aad courses ku qaadatay.
5 – Ku biir Community Developers ah
Inaad ku biirto Group Developers ah oo leh heerar kala duwan waxa ay %100 Saameyn ku yeelanaysaa inta ay kugu qaadanayso barashada web development. oo waxaa kuu save kareys maya waqti aad u baddan oo waxaad heleysaa dad kula xaliya qaladaadka, dad kuu sharaxa waxa xiga ee aad baran lahayd iyo dhamaan wax walbo oo aad u baahan tahay.
Sidoo kale waxaad sameysanaysaa Xiriir oo marka aad development aad barato waxaa kuu suuragal inaad wadashaqeyn wadasameysaan dadkii aad xiriirka aad la lahayd ee aad wax isla soo barateen.
6- Lasoco Technologies ka cusub
Sanadahaan danbe technologies aad ayay usoo baddanayaa ee aad u isticmaali karto sameynta websites marka waxaa muhiim inaad la socoto updates xili walba.
Halkaan waxaan xusnay Websites aad kala socon karta updates ka web development iyo informations aad u baddan.
1. MDN Web Docs (Mozilla)
- Website: https://developer.mozilla.org
2. Dev.to
- Website: https://dev.to
3. CSS-Tricks
- Website: https://css-tricks.com
4. Smashing Magazine
- Website: https://www.smashingmagazine.com
5. GitHub Blog
- Website: https://github.blog
6. Stack Overflow
- Website: https://stackoverflow.com
7. Hacker News
- Website: https://news.ycombinator.com
8. Frontend Masters Blog
- Website: https://frontendmasters.com/blog
9. The Netlify Blog
- Website: https://www.netlify.com/blog
10. JavaScript Weekly
- Website: https://javascriptweekly.com
Intaas waa talooyinka ugu muhiim ee aan kusiin karo marka mar walba isku day dadaalkaaga inta uu gaarsiisan yahay inaad gaarsiiso oo wax aad qaban karto haga caajiisin sidoo kale ha ilaabin cilmiga inuu yahay mid ka mid ah waxyaalaha uu ilaahay adoomadiisa uu ku arsaaqo marka ilaahay ku xirnow oona dadaal.
Waxaan rajaynaayaa inaad bloggaan aad wax baddan aad ka faa`iideen. marka wixii su`aal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.