Starting Your Career As Graphic Designer

Designing waa mid xiiso leh oo loola falgeli karo qaabab kala duwan taas oo koobsanaysa hal amuur, technolgy-yad, la xariir si loo sameyoo waxyaalo muuq fiican leh. 

Haddii xiisanaysid sameynta loogooyinka, xayaysiinada xitaa social media design si door fiican uga qaadato caawinta ganacsiyada, hay`addaha iyo shaqsiyaadkaba. Oo aadna rabto inaad shaqadaada ka dhigato graphic design balse aad ka fikirayso halkii aad ka bilaabi lahayd. Blog-kaan wuxu kaa caawindoonaa steps-ka aad u baahantahy inaad raacdo si aad graphic design aad ka dhigato shaqadaada rasmiga ah.

1- Baro Asaasiyaadka

Ka hor intaa aadan ku daha usii gelin baro aqoonta lagaa rabo oo fahan aasaaska sida qaacidooyin designka oo kala ah.

  • Color Theory: Baro sida sida color isku qaataan, u badalaan xaalada qofka una saameeyaan dareemaha. Fahan sida loo isticmaalo color shemes-ka taas oo ah mid muhiim ah.
  • Visual Hierarchy: Tanni waa inaad fahantaa sida elements-ka lay kugu hagaajiyo taasoo hagaysa qofka arkaha. Adigoo cadaynaya wax yaalaha ugu muhiimsan.
  • Typography: Barashada sida loo doorto font-ka ugu haboon ee designkaaga. Baro fonts kala duwan iyo qeybta loo isticmaalo fontikaas. Fonts-ka oo noqonaya qabqoraalka kala duwaan ee la isticmaalo.
  • Branding: Naqshadeynta waxay inta badan ku saabsan tahay ka caawinta ganacsiyada inay isgaadhsiinayaan aqoonsigooda. Fahamka sida loo abuuro tilmaamayaal aqoonsi oo iswaafaqsan oo muuqaal ahaan soo jiidasho leh ayaa muhiim ah.

2- Barashada Software ka kugu habboon

Graphic designer waxa ay isticmaalaan sotwares gaar ah taas oo muhiim ah inaad barato software ugu haboon ee standardka softwares la bartaa oo qofka uu xoogga saari karo waxaa ka mid ah:

  • Adobe Photoshop: waa software sida aasaasiga ah loo isticmaalo qurxinta sawirada, Taas oo lagu sameynkaro digital art iyo Image Manupulation oo loo yaqaan in la sameeyo waxyaalo isku dhex jira.
  • Adobe Illustrator: waa software ugu caan designka oo inta baddan loo isticmaalo logooyinka, illustrations iyo icons.
  • Adobe InDesign: Waa software loo isticmaalo waxyaalaha inta baddan la daawaco sida buugaagta, majaladaha iyo brochures.
  • Figma/Adobe XD: labadaan Tool waa lama tuul aad baran kartaa oo iyagana aad u muhiim ah oo loo isticmaalo UI/UX design oo loola jeeda Nashqadeynta Web Applications-ka inta qofka u muuqata iyo hab isticmaalka isitcmaalayaasha.

Marka laga hadlayo softwares Adobe waa lacag waxaa jira kuwa free ah oo la dhigma. Sida GIMP (mid free ah oo lamid ah Photoshop) and Inkscape (mid lamid Illustrator) oo ku haboon dadka bilowka ah.

3- Baro Graphic Designka si rasmi

Iyadoo aysan jirin habka ugu haboon ee barashada designka balse inaad qaadato waxbarasho rasmi ah waa mid laga maarmaan ah si ay u xoojiso shaqadaada Nashqadeen.

  • Inaad ka barato Jaamacad: 4 sano oo graphic design aad ka barato jaamacad waxa ay ku siinaysaa aqoon qoto dheer iyo qibrad labada dhinac ah aqoon iyo xirfada wax qabad. Tani waa doorasho fiican haddii aad dooneysid inaad graphic designka aad ka dhigato majorkaaga.
  • Qaadashada Courses: haddii aadan qorsheyneynin jaamacad aad ka barato, waxaa jiro courses aad u baddan oo aad qaadan karto adigoo ka qaadanaya meelo kala duwan. Waxaad heleysaa courses bilow ah iyo kuwa heer sara ah.
  • Isbar Aqoonta design: dad baddan ayaa waxa ay sameeyaan inay isbaraan designka iyagoo ka daawanaya Youtube taas oo ah iyadana doorasho fiican.

3- Ka Feker Meelayntaada(Niche).

Meeleynta ama Niche-ka waxa loo yaqaano waa inaad graphic designka aad baratay qeybihii kala duwannaa aad meelgaar taqasusi ku noqoto oo u go`do adigoo xooga saaray. Marka aad barato Softwares kala duwan waxaad heleysaa qibrada kala duwan waxaa laga yaaba inaad xiisayso Sameynta Logooyinka, Websites, UI/UX ama Xitaa Nashqadeynta Books iyo Magazines. Ugu danbeyntiina, waxaa muhiim ah inaad qeyb gaar ah aad qaadato iyadoo Khaasnimadaas ay kuu suura inaad ka soocnaado graphic designers-ka kale.

4- Samey Shaqooyin

Marka aad heshid khibrad iyo xirfado, waxaad leedahay dhowr qaab oo xirfadaada ugu badalo karto shaqo daqli kusoo gelisa. Graphic Designs badan ayaa doorbida inay noqdaan Freelancer, halka kuwa kale ay helaan fursado shaqo oo u shaqeyaan shirikaada designska ka shaqeeya ama hay`adaha ubaahan shaqooyinkaas.

Freelaancing: Waxa ay leedahay dabacsanaan, laakiin waxay u baahan tahay inaad tahay qof yaqaan xirfadaha maamulida waqtiga, isgaarsiinta, iyo awoodda lagu suuq-geynayo naftaada. Markaad dhisto macmiil, waxaad sare u qaadi kartaa qiimahaaga iyo ka helitaanka macaamiil oo aad u shaqeyso.

Fulltime Job: Waxa leeyihiin xasilloonida shaqo buuxda oo aad ka shaqeyneysid shirkadaha, ama hay’adaha naqshadeynta u baahan. Shaqadaan waxay kuu ogolaaneysaa inaad heshid dakhli joogto ah oo aad si wadajir ah ula shaqeyso Graphic designers kale.

5- Sii Wadida Barashada Graphic Designska.

Haddii aad dooneysid inaad noqoto designer fiican waxaa muhiim ah inaad aqoontaada kordhiso marwalba oo aad barato waxyaalaha cusub ee markaas yimaada oo sare u qaato aqoontaada.

Barashada xirfadda Graphic designer-ka waxay noqon kartaa safar aad u xiiso badan oo ka buuxo hal-abuur, caqabado, iyo fursado. Haddii aad dooneyso waxbarasho rasmi ah ama aad ka baranayso Courses online-ka ah, muhiimadu waa inaad u bilowdo si tartiib ah, xirfadahaaga dhisto, isla markaana aad dhisto portfoygaaga adag. waxaad awoodi doontaa inaad abuurto jidkaaga isla markaana aad gaarto guul.

I am Fullstack Developer and Professional Graphic Designer who is Passionate about Teaching Tech Specially Graphic Design, Video Editing, Web Design and Web Development and I am also the CEO and Founder of Hirkaab Academy.

Write a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Halkaan Nagala Soo Xariir
error: Content is protected !!