How to Become Graphic Designer in 2025

Si aad u noqoto graphic designer (nashqadeeye) sanadka 2024, waxaad u baahantahay waxyaalo kala duwan blog-kaan waxaa ku falaaqeyneynaa dhamaan waxyaalaha aad u baahan tahay si aad u noqoto graphic designer.

Shaqsiyaan waxaa muddo ka soo shaqeynayay designska oo ilaa aan qabta waxaa marka aan bilaabayay jeclaan lahaa in layla wadaago steps ugu fiican ee qaadi lahaa.

halkaan waxaa kula wadaaga 6 Steps oo Successfull Graphic Designer aad ku noqon doontid.

1- Baro Aasaaska Graphic Designka.

  • Mabaadida Nashqadeenta: Baro Waxa ay tahay nashqadeenta iyo Mabaadi`da nashqadeynta sida qoraalka, muuqa, midabka iyo heerarka design-ka.
  • Baro Softwares-ka designka: baro mid kamid ah softwares loo isticmaalo designs-ka

Softwares-kaas oo aysoo saaraan shirikaad kala duwan sida:-

  • Adobe Softwares: Photoshop, Illustrator iyo InDesign.
  • Affinity Softwares: Affinity Designer, Affinity Photo.
  • Canva.

2- Baro Software-ka aad rabto.

  • Qaado Course: qaado course kugu haboon oo aad u qaadan karto qaab online ama offline. coursekaas waxa uu noqon karaa dhamaan softwareska aan kor kusoo xusnay mid kamid ah xoogana saar hal software.
  • Is-bar: Nashqadeenta waa xirfad muhiim kana fudud xirfado baddan sidaa awgeeda waxaa si fudud u baran kartaa designka adigoo kaliya qaadanayo videos FREE ah oo aad youtube-ka ka heli kartid.

3- Sameyso Portifolio.

Portifolio waa mashruucaad aad sameysay oo muujinaayo inaad tahay xirfadle sare. samey mashruucaad aad u baddan adigoo ka faa`iideysanaayo networkaaga(dadka aad la xariirto) u samey designs kala duwan oo kusoo bandhig barahaaga bulsho adigoo sidoo kale dadka qaarna ku charge kareynaya waxyaroo qidmad ah. kadib Isticmaal websites sida Behance, Dribbble, ama website-kaaga si aad u soo bandhigto portfolio-gaaga. Hubi inay muujinayso qaabka aad wax usameysid iyo xirfadahaaga.

3- Ku biir group designs-ka layskula wadaago.

Iskaashi la samee dadka kale ee hal-abuurnimada leh oo kuugu kula jira field-kaan si aad u ballaariso networkaaga(shabakadaada) iyo khibradaada. Hirkaab Academy-ka waxa uu leeyaay community oo aad ku biiri kartid si aan u aragto falcelinta dadka kale sidoo kale aad ula socoto hormarkaada aad wadashaqeyn sameysaa dadka kula wax barashada ee baranaya isla xirfadaas.

Faa`iidooyinka ay leedahay waxaa kamid inaad isla Community-kaas aad ka heli kartid Macaamiil aad u shaqeysid oo ku dirsada designs oo lacag yar ka qaadato. taas oo kuu noqoneysa dhiirigelin oo aad horey isii wadeysaa dadaalkaaga.

4- Horumarinta Xirfadaha Shaqsiyadeed.

  • Maarey Waqtigaaga: si ay wax baddan u qabo waa inaad waqtikaaga aad u maareysaa qaabka ugu wacan oo aadan waqti iska qasaarin xilli walba.
  • Lahow La Qabsi: lasoco technologies-ka cusub iyo versionka cusub kolba softwareka aad isticmaalaysid, taasna waa arin muhiim ah si aad update u noqoto aan wax baddan lakaaga horeyn

  • Practice Joogta ah: si aad wax baddan aad u ka fahanto software aad baratay waxaa muhiim ah inaad waqti baddan aad ku jirto software kaas oo wax baddan practice kareyso.

5- Noqo Mid Hal abuurnimo leh.

Si aad unoqoto designer kolka uu shaqo bilaabo shaqadiisa loo yiraaqo noqo qof hal abuur leh sameyn kara designs aad u qurxoon. si aad design aad u qurxoon aad u sameyso uma baahnid inaad waqti baddan aad fikir ku bixiso iyadoo taasna ay tahay mid laga maarmaan ah, balse waxaad raacraacaysaa designkii horey loo sameyey adigoo wax ku daraya waxna ka dhimaya.

6- Noqo Graphic Designer.

Ugu danbeyn noqo graphic designer oo bilow inaad sameysid designs oo aad ku samey FREE ama qofkii lacag kuu ogol aad ka qaadato balse si dad ay kuu bartaa adiga aad u xaqiijiso inaad si wacan u baratay samey Projects si joogta waana mid muhiim. waxaadna ka bilaabi Qoykaaga iyo Asxaabtada ha is dhihin qof aan wax u sameeyo ma heli sidoo kale ogsoonow dadkaas ayaa projects-ka mustaqbalka inta baddan kuu keynaya dadka kalena ku baraayo.

Intaas Waa xogta ugu muhiimsan aad u baahantahay si aad u noqoto designer waxaan filaayaa inaad wax uun aad ka faa`iidey.

I am Fullstack Developer and Professional Graphic Designer who is Passionate about Teaching Tech Specially Graphic Design, Video Editing, Web Design and Web Development and I am also the CEO and Founder of Hirkaab Academy.

Write a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Halkaan Nagala Soo Xariir
error: Content is protected !!