
5 Free Websites to get images
Halkan waxaa ku xusi doonna 5-ta website ee aad ka heli karto sawiro free ah, dhamaan websites-kaa waxay bixiyaan sawiro quality fiican leh oo si xor ah aad ula soo degi kartid marwalbo oo aad u baahan tahy, Waxaan sidoo uga hadli doonaa qaar ka mid ah si faahfaahinta.
1. Pexels
- Website: https://www.pexel.com
Pexels waa mid ka mid ah kuwada ugu caan oo aad ka heli kartid sawiro free ah.
Pexels waxaa ay leedahay qeybo aad sidoo ka heli karto video oo sidoo kale ah kuwa free ah, waxaadna heli kartaa sawiro ku saabsan mowduucyo kala duduwan sida sawirada dadka, wadamada, bulshooyinka iyo wixii la mid ah. sidoo kale muuqaalda waa free waxa ayna lee yihiin qeybo kala duwan.
Sawirada aad kala soo degdo Pexels waxaa si toos aad ugu isticmaali kartaa meel walbo oo aad u baahantahay si ganacsi ama si shaqisi intaba. Waxa kale aad ka heleysaa sawiro cusub oo tayadoodu sareyso, taas oo ka dhigaysa meel ugu fiican oo aad heli karto sawiro cusub oo free ah.
2. Unsplash
- Website: https://www.unsplash.com
Unsplash waa website sidoo kale caan ah oo aad kaheli kartid sawiro free ah.
Unsplash waa website laga heli sawirada ugu tayada sareeya ee internetka waa free, Unsplash waxaad ka heleysaa qeybo kale duwan oo sawiro ah oo ay kamid yihiin Photos, Illustrations, Health & Wellness, Wallpaper, Nature, 3D Renders, Textures, Architecture & Interiors, Travel, Film, Street Photography, People, Animals, Experimental, Fashion & Beauty, Food & Drink iyo Sports.
Unsplash waxay leedahay xeerar ku saabsan isticmaalka sawirradeeda. Waxaad isticmaali kartaa sawirada si free ah, baslse haddii aad rabto inaad sawirada aad u isticmaasho sawirada ganacsi ahaan, waxaa muhiim ah inaad hubiso shuruudaha isticmaalkooda.
3. Pixabay
- Website: https://www.pixabay.com
Pixabay waa website aad ka heli kartid sawiro iyo videos free ah.
Pixabay waa website laga sawiro iyo muuqaallo tayadoodu sareeyo, Pixabay waxaad ka heleysaa noocyo kala duwan ee resources ah waxaan kamid ah Photos, Illustrations, Vectors, Video, Musics, Sound Effects iyo GIFs.
Pixabay wuxuu leeyahay in ka badan 5.3 milyan resources kala duwan oo u isticmaali kartid designskaaga kala duduwan mana ahan mid u qaas ah sida inaad tahay u qof u isticmaalayo ganacsi ama wax kale.
4. Burst
- Website: https://www.shopify.com/stock-photos
Burst waa website si gaar loogu tala galay ganacsiyada.
Burst waa website hoostaga Shopify si gaar ah u adeega ganagsaiyad iyo Mashaariicda Suuqgeynta. waxaad ka heleysaa sawiro free ah oo tayo sarre leh oo loogu tala galay. sawiradaa waxa kuu suuragelinaayaan inaad ganacsikaaga aad usameyso muuqaalo soo jiidasho.
Website-kan wuxuu bixiyaa sawiro kala duwan oo ku saabsan qeyb kala duwan sida:.
- Animals: Cats, Dogs.
- Around the World
- Arts
- Backgrounds
- Beauty
- Business: Money, Products
- Celebrate
- Cinemagraphs
- City
- Education
- Family: Baby, Children, Fashion
- Fitness: Yoga
- Flowers
- Food: Coffee
- Holidays
- Home
- Landscape
- Love
- Nature
- Outdoor
- People: Men, Portraits, Recreation
- Seasons: Fall, Spring, Technology
- Transportation
- Travel
- Work: Video Call Backgrounds, Work From Home
Sawirradan waxay noqon karaan kuwo muhiim ah haddii aad doonayso inaad kor u qaaddo muuqaalka ganacsigaaga. Dhammaan sawirradan waxaa ku heli kartaa si free ah, waxaana u isticmaali kartaa si xor ah.
4. FreeImages
- Website: https://www.freeimages.com
- Free Images waa mid ka mid ah website aad ka heleysid sawiro Free ah.
Free Images waa mid ka mid ah websites-ka aad ka heli kartid free images waa websites laga heli karo noocyo kala duwan oo sawiro ah sida: Photos Vectors, Clipart, PSD iyo icons.
Free Images wuxuu leeyahay sawiro kala duwan oo ku habboon isticmaalka lagu isticmaalo graphic design-ka, suuq-geynta, iyo mashaariicda kale. Sawirradan waxaa loo isticmaali karaa si free ah, iyadoo aan loo baahnayn inaad bixiso lacag. Waxaadna u isticmaali kartaa si shaqsi ah ama ama mid loogu tala galay ganacsi.
Website-yadaan kor kusoo xusnay waxay bixiyaan sawiro free ah oo tayadoodu sareyso, waxaana loo isticmaali karaa shaqooyin kala duwan sida designka, suuq-geynta, blog-yada, iyo iwrm. Haddii aad raadinayso sawiro tayo fiicaan leh oo aan caadi ahayn, waxaad ka heli kartaa website-yadaas. Markaad isticmaaleyso sawirradan, hubi inaad raacdo shuruudaha isticmaalka ee ku saabsan xuquuqda daabacaadda, gaar ahaan haddii aad rabto inaad u isticmaasho sawiradaas mashaariicda ganacsi.
Waxaa rajaynaayaa inaad bloggaan aad wax baddan aad ka faa`iideen. marka wixii su`aal ah qeybta comment-ka inoogu reeb.